DEG DEG:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo xilkii laga qaaday

0

Waxaa Maanta kulan aan caadi aheyn Xaruntiida Magaalada Garoowe ku yeeshay Xubnaha Golaha Wakiilada puntland oo uu horyaallay mooshin ka dhan ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Xildhibaannada ayaa dood dheer ka yeeshay mooshinka oo ay saxiixeen 44 Mudane,waxaana kulanka ku sugnaa 53 Mudane, iyada oo Xildhibaannada ay xilkii ka qaadeen Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen 53 mudane ayaa waxaa aqbalay xilka qaadista guddoomiyaha 49 Xildhibaan, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntland Abuukaate Cabdi Casiis ayaa kulanka ka sheegay in xilka qaadistaan ay tahay Sharci, kaidb markii Guddoomiyaha uu ku tuntay Sharciga iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka [untland.