DEG DEG: Qaraxyo ka dhacay Buurhakabo

0

Labo Qarax ayaa Galabta waxay ka dhaceen Gudaha Degmada Buurhakabo, ee Gobolka Baay kuwaasi oo lala eegtay Ciidamo katirsan Dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Saraakiisha Maamulka Degmada ayaa sheegay in Labo Qarax oo Nooca Dhulka lagu aaso lagu weeraray Fariisamo ay leeyihiin Ciidamada DFS, oo ku yaalla barkoontarool oo ku yaalla Buurhakabo.

Ugu yaraan 2 Askari oo kamid ah Ciidamada dowladda Somalia ayaa la xaqijiyay inay ku dhaawacmeen Labada Qarax, oo loo malaynayo inay ka danbeeyaan Al shabaab.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee Buurhakabo, wali kama aysan hadlin Qaraxyada.

Xogdoon News

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here