Deg Deg: Wafdigii Kenya Ka socday Oo Halmar Xaflada Caleemo saarka iskaga Baxay iyo sababta

0

Wafdiga Ka socday Dalka Kenya ayaa waxay maanta gaareen Kismaayo,iyadoo Xaflada Caleemo saarka Axmed Madoobe utegay.
Hal mar ayey ka istaageen Fadhiga Xubnaha Wafdigaasi,waxaana hogaaminayey Aadan Barre ducaale.

Waxa qeyb ka ahaa Wasiirkii hore Ee Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji,iyagoo sheegay in wakhtigii ay ugu talo galeen Xaflada uu dhamaaday.
Sacab iyo Mashrxad ayeyna kaga sagootiyeen goobta wafdigaasi iyagoo goordhaw Diyaaradii Saaka keentay uraaci doona Nairobi.

Senetor Yuusuf Xaaji oo Xaflada Caleemo saarka Axmed Madoobe si kooban uga hadlay waxa ugu baaqay Soomaalida inay Is gacmo qabsadaan oo ay Wada hadlaan Khilaafkana la dhameeyo.

Sidoo kale Khudbadii uu jeediyey Xildhibaan Aadan Barre Ducaale Oo Af Soomaali iyo Af Ingiriis ku khudbeeyey waxa uu bogaadiyey xaflada quruxda badan Ee maanta Kaga qeyb galeen Kismaayo.