Deg Deg: Weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya degaanka Calamada oo u dhexeeya Muqdishu iyo Afgooye ayaa sheegaya in Koox hubeysan oo looga shakisan yihiin in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab in ay ku qaadeen weerar gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda oo Maraayay degaanka Calamada.

Kooxda ayaa la sheegay in rasaas ku fureen gaariga, islamarkaana Ciidanka Ammaanka ay dhankooda dagaal la galeen Kooxdii Jidka u gashay.
Dadka degaanka ayaa noo xaqiijiyay iska hor imaad socday dhowr daqiiqo uu degaanka ka dhacay, islamarkaana ay jiraan Khasaare ka dhashay weerararka.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga ay saarnaayeen Ciidamo ilaale u ah Masuuliyiin dhismo ka waday Wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Ilaa haatan khasaarauhu ma cadda, Waxaana degaanka Lafoole ilaa Calamada gaaray Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.