Deg Deg: Xiisad saaka ka taagan Magaalada Hargeysa

0

Xiisadaan ayaa waxaa ay u dhaxeeysaa Madaxda sare ee Xukuumadda Soomaaliland iyo Xisbiga mucaaradka WADANI oo kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee kajira deegaannada Soomaaliland.
Xiisadaan ayaa ka dambeysay,kadib markii Guddoomiyaha Xisbiga WADANi Cabdirmaxaan Cirro uu taageerayaasha Xisbiga ugu yeeray inay Maanta isugu yimaadaan isu-soo bax ay madaxda sare kula hadli doonaan,hayeeshee Hay’adaha Amniga Soomaaliland ay taasi ku tilmaameen fowdo,isla markaana aysan jirin cid isku soo bixi karta.

Xiisada ayaa cirka isku sii shareertay,kadib markii Ciidamada Soomaaliland ay xalay Xabsiga dhigeen Afhayeenka Xisbiga WADANI Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenka Guud ee Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun & mas’uuliyiin kale.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan(Saqadhi) ayaa sheegay in isu-soo baxyada uu ku baaqay Guddoomiyaha Xisbiga WADANI ay ka dhalan karto dhibatooyin kala duwan,sidaas daraadeedna aan marnaba la qaban karin.
Dhinaca kale guddoomiyaha Xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhankiisa sheegay in isku-soo baxa ay kula hadlayaan taageerayashooda uu Maanta qabsoomayo,isla markaana Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland looga baahan yahay inay Sharciga ilaaliyaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in dhagxaan lagu jaray wadooyinka soo gala xarunta guud ee xisbiga sidoo kale ciidamado Boolis ah ayaa hor dhooban xafiiska xisbiga oo loo balan san yahay in hortiisa ay isugu soo baxaan taageerayaasha Waddani.