DEG DEG:Ciidammo u badan Kuwii Gadoodka Sameeyay oo loo daabulay Forimaha Hore ee dagaalka Al-Shabaab..

0

Ciidan xoog badan oo kuwa Qalabka sida ah ayaa laga saaray magaalada Muqdisho waxaana ay u sii ruqaansadeen dhanka gobollada dalka.

Taliska Ciidanka Millatariga Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka saaray 1500 oo Askari oo ka mid Ciidanka Xoogga Soomaaliya kuwaas ku sugnaa Xarumaha Milatariga ee M/Muqdisho.

General C/llaahi Cali Caanood Ammaan-duulaha Ciidanka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu hogaaminaayo Ciidanka waxaana la geeyay Saldhigga Balli-doogle ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Ciidanka la qaaday ayaa u badan kuwii shalay gadoodka ka sameeyay Magaalada Muqdisho iyadoo dhinaca kale General Caanood uu ku dhaawaqay in ciidankaan ay ka mid noqon doonaan Howl-gal looga Soo horjeedo Al-Shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona Soomaaliya.