Deni: “Puntland waxa ay gashay feejignaan Amni si ay uga hortagto Al-Shabaab”.

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa ay ka feejigan tahay weeraro uga imaan kara Al-Shabaab kaddib markii ay culeys saaraan Xuduudaha Dowlad-Goboleedyada ay la dagaalaan Dowlad-Deegaanka Soomaalida.

Shacabka & Maamulka ayuu ugu baaqay in ay muujiyaan wadajir si looga hortago qorshaha cusub ee Al-Shabaab oo u baahan kahortag sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

“Dalka waxa uu ku socdaa xaalad runtii u baahan in si dhaw looga socda oo la muujiyo feejignaan amni, waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya ama Itoobiya waa wax cusub, Shacab & Ciidan in la muujiyo feejignaan iyo garab istaag, Dadka reer Puntland waxaa lagu yaqaanaa in ay midnimo muujiyaan cadawgooda iska dhiciyaan oo Dowladdooda difaacdaan” Siciid Deni.

Madaxweynaha DG Puntland ayaa sheegay in waxgaradka & siyaasiyiinta aanay damacooda shaqsiga ah ku xiran danta guud si loo ilaaliyo nidaamka dhisan oo u baahan in la xoojiyo si looga fogaado burbur & dib u dhac kale oo la galo.

Duruufaha is badbadelka ayuu sheegay in ay marweliba jirayaan xalka keliya looga gudbi karana uu yahay in lala jaanqaado oo la sameeyo sidii loo xoojin lahaa kahortagga xaaladaha cusub ee soo kordha sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Deni.