DFS oo Qaramada Midoobay kala hadashay Arrimaha Amniga.

0

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) ayaa  Maanta xarunta Wasaaradda gaashaadhigga kulan kula yeeshay Ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

Kulanka Wasiirka iyo ku xigeenka Wakiilka ayaa waxa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Qaramada Midoobay iyo sidii la iska kaashan lahaa fulinta Qorshaha hortabinta u leh Wasaaradda Gaashaandhigga, sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

May be an image of 2 people, people sitting and indoor

Sidoo kale Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) ayaa Ku xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho waxa uu waxrbixin ka siiyay hawlaha shaqo ee Wasaaradda iyo sida ay ugu diyaar garooween sidii dalka looga saari lahaa Al-shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxa uu safar ku tagay Magaalada Baladweyne ee Caasimadda Gobalka Hiiraan, halkaas uu ka socda dadaallo dib loogu xoreenayo deegaano ka tirsan Gobalkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab, walow uu Wasiirka koowaad ee Xukuumadda uu safar gaaban ku tagay Magaalada Beledweyne isaga oo kulan la yeeshya Ciidanka Xoogga Dalka.