DFS oo sheegtay in dagaalamayaal katirsan ‘AS’ ay ku qabatay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay sameeyeen Ciidamada ammaanka Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ay gacanta ku dhigeen dagaalamayaal katirsan ‘AS’.

War kasoo baxay Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in Ragga la qabtay ay kasoo baxsadeen deegaanka Ceel qaboobe oo 30 KM dhanka Koofur u jira Magaalada Xeebta leh ee Xarardheere Gobolka Mudug.

Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaan Askarta heegan buuxa la geliyay si ay usoo qabtaan xubnahaan katirsan ‘AS’ ee ka baxsaday weerarka lagu beegsaday waa sida uu hadalka u dhigay.

Wareysi laga qaaday qaar kamid ah Ragga la qabtay waxa ay ku sheegeen in muddo ay ku sugnaayeen deegaannada DG Galmudug balse iyaga oo ‘Baxsad’ ah ay gacanta ku dhigeen Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka.

Korneyl Daahir Maxamed Tuuryare oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee  ku sugan Degmada Ceeldheer ayaa sheegay in maxkamad loo gudbin doonno Ragga hubeysan ee gacanta ay ku dhigeen.

Wadashaqeynta Ciidamada Federaalka, Daraawiishta & Dadka deegaanka ayuu ku sheegay in ay dhalisay faaiido weyn oo ah in lasoo qabtay xubnahaan katirsan ‘AS’ ee ka baxsaday weerarka lagu qaaday waa sida ay sheegeen saraashiisha Ciidamada DFS.