DFS oo sheegtay xubno ka tirsan AS in ay ku dishay deegaanka Xawaadleey ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

0

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay Howlgal ay Wadajir u fulinayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwa Sirdoonka Qaranka NISA, Ciidammada deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah uu ka socda nawaaxiga deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Howlgalkan ayaa si gaar ah uga socda Beerta Sheekh Qaasim Tuullada Dhagaxoow ee hoos tagta deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeelada Dhexe ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay 25 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab; “sidoo kalena lagu soo furtay hub iyo gaadiid dagaal.” Sida lagu yiri warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya

Weerar ku billawday gawaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa aroornimadii shalay dagaalamayaasha Al-Shabaab waxa ku qaadeen deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 20 KM u jirta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.