Dhaawac laga soo qaaday Beledxaawo oo la keenay Muqdisho

0

Waxaa magaalada Muqdisho la keenay dhaawacyada in ku dhow labaatan ruux oo isugu jira ciidan iyo dad shacab ah, kuwaasoo ku dhaawacmay dagaalkii Beledxaawo ku dhex maray ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Dhaawacyadan ayaa diyaarado looga soo qaaday Beledxaawo, waxaana la dhigay Isbitaalka Madiina, halkaasoo xaaladooda lagula tacaalayo.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland ee ku dagaalamay Beledxaawo ayaa isu adeegsaday hub culus, waxaana uu sababay dhimashada dad badan oo ay ku jiraan shan carruur ah.

Illaa 11 ruux oo dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay dagaalkii Beledxaawo.

Xaalada ayaa ah mid degan, waxaana dadka deegaanka ka cabsi qabaan in dagaalada dib u soo cusboonaadaan, maadaama ciidankii Jubbaland ay wali duleedka magaalada ay ku sugan yihiin.