(DHAGEYSO) Taariikh kooban oo ka hadlaysa Gudoomiye Ku xigeynkii hore ee Baarlamanka Soomaaliya ee Xalay Geeriyooday.

0

Ismaaciil Axmed Abroone Amiin oo ah wiilka uu dhalay Marxuum Axmed Abroone Amiin gudoomiye Ku Xigeynkii 1aad ee Baarlamankii Soomaaliya Dowladdii Carte ayaa ka sheekeeyay taariikhda Aabihiis oo xalay ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Ismaaciil ayaa sheegay in Aabihiis oo uu dalka ka soo qabtay xilal kala duban oo ay ka mid tahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya, Gudoomiye Ku Xigeynkii 1aad ee Baarlamanka Soomaaliya Xilligii Dowladdii Carte Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in Aabihiis oo mar Ku Sime Madaxweyne noqday Muddo ku siman 100 Maalmood.

waxaa intaasi usii dheer xilal kale uu ka soo qabtay Dowladihii Dalka soo maray sida uu noo xaqiijiyay wiilkiisa Ismaaciil Axmed Abroone.

Qaban qaabada aaska Marxuumka ayaa saakay ka socoto Magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galaya Madax ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya.