Dhoobo Daareed oo sheegay in uu labo arin ku Dagaalami doono

0

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo manta Warbaahinta kula hadlay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag ayaa ka hadlay arimo badan.

Waxaa uu sheegay in qaabkii xilka looga qaaday iyo weerarkii ay xukuumadda madaxweyne Denni ku qaaday xarunta Baarlamaanka Puntland uu si weyn u cambaareeynaayo.

Waxaa uu sheegay in uu yahay Gudoomiyaha Sharciga ee baarlamaanka Puntland,islamarkaana sifo sharci daro ah looga qaaday xilka taas badalkeedna uu ku dagaalami doono sharciga iyo dastuurka Puntland.
Ugu dambeyntii ayaa waxa uu ku dhawaaqay in laga shaqeeyo bad baadada maamulka Puntland.