Dibadbaxyo ka bilowday Magaalada Hargeysa & internetka oo la jaray.

0

Magaalada Hargeysa iyo guud ahaan Goballada Soomaaliland ayaa saaka lagu waaberiistay khadka oo go’an, xilli Xisbiyada Mucaaradka Waddani iyo Ucid ay ku dhawaaqeen Banaanbax.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya sababta khadka loo jaray in ay tahay sidii loo baajin lahaa banaanbax ay siyaasiyiintu mucaaradku ku baaqeen kaasi oo looga soo horjeedo xukuumadda uu Hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaailand Muuse Bixi Cabdi.

Magaalooyin kooban ayaa laga helayaa adeega khadka, Magaalada Cerigaabo ee Caasimadda Gobalka Sanaag ayaa ka mid ah meelaha khadka uu jooga, iyaga oo ay taageerayaasha Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland ay iskuugu yimaadeen xarumaha ay ku leyiihiin Magaaladaas.

Dhanka kale Magaalada Haregysa oo ah Caasimadda Soomaaliland oo uu ka bilowday dibadbaxa, ayaa waxaa ku dhaawacmay Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Xamarji, walow weli wax war ah aysan ka soo saarin Xukuumadda iyo Xisbiyada.

Wasaaradda Arrimaha gudah Soomaaliland ayaa maalinmadii Warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Banaanbaxyda Mucaaradka ay ku dhawaaqeyn, ay ku qabsadaan xarumaha Xisbiyada basle arintaa waxaa furka ku dhuftay hoggaanka Xisbiyada mucaraadka oo Warbaahinta la hadlay.

Hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka Waddani iyo Ucid ayaa horay ugu baaqay taageerayaashooda in ay isku yimaadaan Banaanbax ay ku dalbanayaan doorashada in waqtigeeda lagu qabtay, iyaga oo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Bixi Cabdi in uu san sameysan muddo kororsi.