Diiwaangelinta Musharixiinta Madaxweynaha 10aad oo maanta ka billaabaneysa Muqdisho.

0

Guddiga doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS ayaa maanta billaabaya Diiwaangelinta Musharixiinta xilka Madaxweynaha u taagan si musharixii qaata aqoonsiga rasmiga ah uga qaybgalo Doorashada dhaceysa 15ka May 2022.

Musharixiinta ayaa dhankooda wada abaabul xooggan oo ay ku kala xod-xodanayaan maadaama qofka musharax weliba laga doonayo in uu buuxiyo Xaanshi ay ku xusan yihiin magacyada, aqoonsiyada iyo Saxiixa 20 xubnood labada Gole Baarlamaanka katirsan.

Guddiga ayaa diyaariyay goobta lagu diiwaangelinayo musharixiinta si loo hubiyo shuruudaha horyaalla Musharaxa kahor in uusan qaadan shahaadada muujineysa in uu u gudbay isu diyaarinta hadal jeedinta & doorashada Madaxweynaha.


Xaanshida Habraaca Doorashada Guddiga uu soosaaray 05-May-2022

Guddiga Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS ayaa qorsheeyay in 11ka iyo 12ka May 2022 uu hadal jeedin siiyo Musharixiinta si Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarada Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad JFS u dhageysto khudbadaha xubnaha xildoonka ah.

La soco diiwaangelinta Musharixiinta Madaxweynaha 10aad  JFS.