Diyaarad Gurmad Kooban sidday oo ka degtay Degmada Xuddur!

0

Diyaarad lagu raray gurmad kooban oo laga qaaday Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG ah u ah DG Koofur Galbeed ayaa maanta ka degtay Garoonka Diyaaradaha Degmada Xuddur oo Magaalo madax u ah Gobolka Bakool.

Gurmadka kooban oo isugu jiray Bariis, Sokor, Bur & Saliid ayaa loogu talagalay in la loo qaybiyo qaar kamid ah dadka uga liita dhanka nolosha, waxaana uu horudhac u yahay gargaar kale oo saacadaha soo socda loo qaadayo Degmooyinka Gobolka Bakool ee go’doonka galay.

Maamulka Degmada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa la wareegay gargaarka kooban, waxaana mas’uuliyiinta Degmada ay sheegeen in ay u qaybinayaan sida loo kala daran yahay, maadaama uusan wada gaareyn guud ahaan Shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa sheegay in Xarunta Gobolkaas ay ku sugan yihiin qoysas intooda badan kasoo barakacay Degmooyinka kale ee go’doonka Al-Shabaab saartay saameynta taban ku yeeshay, iyaga oo saldhigtay Xuddur.

Sababta dadkaan ay u doorteen Degmada Xuddur ayaa ah in Magaaladaas ay tahay meel dhaq-dhaqaaq badan, isla markaana uu ku badan yahay socodka Madaxda kala duwan ee Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed & Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay.