Doorashada kuraasta Aqalka sare ee gobolada Waqooyi oo maanta lasoo gabagabeyn doono

0
Waxaa maanta lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada shan ka mid ah kuraasta Aqalka sare xubnaha ku matalaya gobolada Waqooyi oo gabagaba u noqonaya tirada guud ee kuraasta aqalka sare ee Somaliland oo ka kooban 11 xubnood, iyadoo shalayna la doortay lix Senatar.

Mushqraxiinta ku tartameysa shanta kursi ee maanta doorashadoodu dhaceyso ayaa xalay si weyn looga dareemayay ololahooda doorashada maanta ay galayaan oo ka dhaceysa Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Kursiga koowaad ee maanta doorashadiisa dhaceyso waxaa ku wada tartamaya musharaxiinta kala ah Saciid Cabdi Xasan iyo Jaamac Cabdullaahi Maxamed.

Kursiga labaadna waxaana ku wada tartami doono ilaa sadax dumar ah oo ay ka mid tahay Muna Cumar Xasan oo aheyd Senataradii afartii sano ee lasoo dhaafay kursiga ku fadhisay, Naciima Xasan Xaaji Maxamuud iyo Sucaad Xasan Maxamed.

Kursiga sadaax ee doorashada maanta dhaceysa waxaa ku tartami doona sadax Musharax oo kala ah Cabdirisaaq Axmed Cali, Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Saciid.

Kursiga afaraad ayaa waxaa sidoo kale ku wada tartami doona laba Musharax oo kala ah Axmed Ibraahin Maxamed Qorane iyo Baashe Maxamed Ismaaciil.

Kursiga shanaad ee noqonaya maanta midka ugu dambeeya kuraasta lagu tartami doono iyo guud ahaan doorashada kuraasta aqalka sare ee gobolada Waqooyi ee Somaliland oo lagu dooranaayo magaalada Muqdisho, waxaa ku tartami doona laba dumar ah oo kala ah, Deeqa Xasan Xuseen iyo Hodan Abukar Xasan.

Doorashada kuraasta 11-ka ka kooban ee Senatarada gobolada Waqooyi uga mid noqonaya Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sida qorshu yahay maanta soo gabagaboobeysa hadii shanta kursi lawada doorto.