Dowlada Soomaaliya oo amartay in la xiro Dugsiyada lagu barto Qur’aanka

0

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa go’aamiyay in la xiro goobaha barashada Diinta,dugsiyada iyo Mowlacyada,islamarkaana dadweynaha kula taliyay in guryohooda ay ku cibaadaystaan,si looga taxadaro faafitaanka Covid-19.

Wasiirka Wasaaradda Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in la xirayo Dugsiyada lagu barto Qur’aanka Kariimka si looga hortago Cudurka COVID 19.

“Laga bilaabo maalinta berri oo ah Talaado 31/03/2020 waxaan si’ rasmi ah u xirnay Dugsiyada Barashada Qur’aanka & xarumaha Barashada Diinta muddo (2) laba todobaad ah, maadaama caruurtu ay yihiin kuwa ugu nugul qaadidda caabuqa covid19,”ayuu yiri Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa hore ay u amartay in la xiro goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha,waxaana la hakiyay duulimaadyada dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.