Dowlada Sweden oo soo saartay war ka nixiyay dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah dalkaas

0

Dowladda dalka Sweden ayaa kordhin doonta xaruumaha lagu xiro qaxootiga sharciyada loo diido ee looga cabsanayo in ay dhuuntaan.

– Waa kordhineynaa tirada la xiro, ayuu yeri wasiirka arrima gudaha Anders Ygeman (S) oo ka hadlayey shir saxaafadeed ay wado jir u qabteen asaga iyo wasiirka socdaalka Morgan Johansson(S).

Ygeman iyo wasiirka socdaalka Morgan Johansson ayaa maanta shaaciyey howl-sha dowladda ay ka damacsantahay magangeliyo doonka diidamada la siiyey balse aan dib ugu noqon dalalkooda.

– Aas’aaska siyaasadda magangeliyo doonka waxay tahay in uu jiro nidaam iyo kalo dembeyn. Ruuxa loo diido magangeliyada waa in uu waddankiisa ku noqdaa, ayuu yeri Morgan Johansson wasiirka socdaalka.

– Haddii kale waxay imaanaysa kooxo badan oo si qorsoodi ah dalka ugu nool, oo shaqooyin sharci daro ku shaqeysta, shaqobaxiyaasha ka faa’ideystaan.

Si hadaba looga hortaggo in ay bataan dadyowga diidamada heysta balse dhuunta ayey dowladda ku talo jirtaa in ay kordhiso boosaska lagu xiro dadyowga sharciyada loo diido oo laga dhigaa 350 boos halka ay manta tahay 250 boos, taas micnaheeda tahay kor u kac dhan boqolkii 40.

Dowladda ayaa 90 milyan u qorsheysay in ay ku qarash gareyso howl-shan cusub, taas oo ku jirta miisaaniyadda gu’ga.

– Goobta ku haboon hada in la adeegsado waxay ahaan kartaa xabsigii hore Kirseberg magaalada Malmö, kaas oo hadda banaan lana isticmaalin, ayuu Morgan Johansson.

Anders Ygeman wasiirka arrimaha gudaha aya jilaalkii la soo dhaafay ku qiimeeyey in Sweden laga masaafurin doono dad gaaraya 60 0000 ilaa 80 000 sannadyada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here