Dowladaha dariska oo la sheegay inay hubeeyaan Maamul goboleedyada Dalka

0

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa sheegay in dowladaha Dariska ah ay hubsiiyaan Maamul goboleedyada dalka.

Wuxuu sheegay inuu indhihiisa ku arkay hub fara badan oo la siinayo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka , isagoo sheegay in taasi ay keeni karto khalalaase hor leh iyo isku dhac maamul.

Cosoble ayaa sheegay in uu og yahay in wali aanu jirin nidaab hub siin ah oo ay dejisay dowlada Dhexe ee dalka kaas oo ku aadan in dowladu ay hubeyso maamulada dalka .

Wuxuu sheegay inay jirto faragalin toos ah oo dowladaha dariska ay ku hayaan Soomaaliya isagoo tilmaamay in hubkan ay bixinayaan uu qeyb ka yahay abuurka khas iyo fowdo hor leh.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu ka dalbaday inuu arintan wax ka qabto isla markaana uu il gaar ah u lahaado .

Waxaa jira warar sheegaya in dhowaam diyaarado hub siday oo ka yimid Ethiopia ay gaareen Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland .

xogdoonnews:

Muqdisho Somaliand 

xogdoon2015@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here