Dowladda Imaaraadka Carabta oo aqbashay Raali-gelintii uu siiyey RW XFS Maxamed Xuseen Rooble.

0

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa soo dhoweysay raali-gelinta uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyay lacagta Imaaraadka Carabta ay laheed taas oo DFS ku qabatay Garoonka Aadan Cadde Abriil 2018.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay tallaabooyinka uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS ay muujinayaan xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal.

 “Wasaaradda waxay sidoo kale amaaneysa tallaabada Rooble iyo sida uu Imaaraatka Carabta ugu muujiyey inuu la dhacsan yahay taageeradeeda sanadaha badan ee ay siiso dalkiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka  Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa lagu sii sheegay inay sii wadi doonto xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya, ayada oo carabka ku dhufatay inay siineyso taageerada lagama maarmaanka ah si loogu guuleysto nabadda, xasiloonida iyo horumarka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 7-dii Janaayo waxa uu dowladda Imaaraatka Carabta ka raali galiyay qabashada lacagta, taas oo ay horay ula wareegtay Xukuumaddii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Rooble ayaa waxa uu u ballan-qaaday in dib loogu celin doono lacagtaas.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraadka Carabta 30 janaayo 2022, asiga oo kulamo la qaatay qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sareysa dalkaas oo ay ka midyihiin Madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka ahna Ra’iisul Wasaaraha Isutagga Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum iyo Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraatka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid Ala Nahyaan