Dowladda Qatar ayaa cambaarasay weerarkii maanta lala beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Federaalka eeSoomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu, kaas oo dhaacwac ka soo gaaray.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa lagu sheegay in Qatar ay si aad ah ugu soo horjeeddo weerrada lagu beegsanaayo Siyaasiyiinta.
Qoraalka ayaa intaasi ku daray in dowladda Qatar caafimaad deg deg ah u rajaynayso afhayeenka xukuumadda ee dhaawaca soo gaaray.
Qaraxa oo dhacay Barqanimadii Axadda ayaa waxaa masuuliyaddiisa sheegatay Al-Shabaab.
Afhayeenka Booliksa Cabdifitaax oo la hadlay Warbaahinta ayaa yiri “Qarax ismiidaamin ah ayaa lala beegsaday afhayeenka dowladda oo hadda lagu daweynayo isbitaal dhaawacii ka soo gaaray qaraxa,”
Dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya iyo goobjoogayaasha caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay loolanka awoodeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble.