Dowladda Somalia oo diyaarineysa Ciidamo gaar ah iyo shaqadooda

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed waxaa ay ku diyaarineyaa Ciidamo gaar ah oo ka qeyb qaata sugida Amniga deegaannada Koonfur Galbeed,kuwaas oo qaadanaya tababaro.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magalada Baydhabo ayaa sheegay in Ciidamada haatan tababrada uga socdo deegaannada Koonfur Galbeed ay noqon doonaan Ciidamo Qaran oo ka gudba qabiil iyo Qoys qoys.

Waxaa uu sheegay in Ciidamadaas ay noqon doonaan Ciidamo gaar ah oo qaba tababar casri ah,isla markaan ay qeyb weyn ka qaadan doonaan howlgalla lagu sugaya ammaanka ee ka socda dalka sigaar ah deegaannada Koonfur Galbeed.

Hadalkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa uu sheegay xilli shalay uu booqasho ugu tegay Ciidamo tababar ku qaadanaya mid ka mid ah Xerooyinka ku yaalla Magalada Baydhabo.