Duqa degmada Boosaaso oo la doortay

0

Xildhibaanada golaha degaanka degmada Boosaaso ayaa goor dhow Gudoomiye cusub u doortay Magaalada Boosaaso ka dib doorasho ka dhacday xarunta Golaha degaanka Boosaaso.

Doorashadan oo maanta dhacday xarunta dowlada hoose ee Boosaaso ayaa xubnaha u tartamayay kursiga duqa degmada Boosaaso waxa ay kala ahaayeen wasiir kuxigeenkii hore maaliyada Puntland ee shalay iscasilay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan iyo Maxamed Faarax xaaji Mire oo labadooba ah dhalinyaro aqoonyahano ah.

Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ku guuleystay duqa degmada Boosaaso shanta Sano ee socota , waxaana uu helay Codad dhan 28 Cod, sidoo kale Maxamed Faarax xaaji Mire  ayaa helay 3 Cod.

Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Boosaaso ee wax dooranayay ayaa ka koobnaa 31 xubnood,waxaana ku jira lix xubnood oo haween ah taasoo markii ugu horeysay ka dhigaysa in haween intaa le’eg ay kamid noqdaan golaha cusub ee deegaanka Boosaaso