Duqeyda Koofurgalbeed oo ku xirey Shuruud in lagu qabto doorasho magaalada Baydhabo

0

Oday dhaqameedyada iyo waxgaradka gobolka Bay ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen inaan lagu qaban karin doorasho magaalada Baydhabo illaa laga sii daayo Muqtaar Roobow oo u xiran dowlada federalka.

Qoraal ay u direen ra’iisul wasaare Rooble qaar ka mid ah oday dhaqameedyada Koofurgalbeed ayaa waxa ay ugaga codsadeen in la qabto shir dib u heshiisiin ah isla markaana la sii daayo Muqtaar Roobow.

Duqeydan ayaa waxa ay sidoo kale codsadeen in la sameeyo guddi heer federal ah oo soo baarta dhacdadii ka dhacday sanadkii 2018kii magaalada Baydhabo.

Duqeydan ayaa waxaa ay sheegeen in Muqtaar Roobow uu afduuban yahay maadaama aan la geyn wax maxkamad ah.

“Ra’iisul Wasaaraha maadaama uu u xilsaaran yahay doorashada waa in uu qabtaa dib u heshiisiin.”ayuu yiri Malaaq Ilyaas Kulubow oo ka mid ah duqeyda dhaqanka Koofurgalbeed oo u waramayay laanta afka soomaaliga ah ee Bbcda.

Muqtaar Roobow Abu Mansuur oo ka mid ah madaxda sarsare ee dagaalamayaasha Alshabaab ayaa isu soo dhiibay dowlada federalka ah 23kii June 2017kii.