Duqeymo ka dhacay Gobolada Sh/Hoose & Jubbada Dhexe

0

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa Diyaarado dagaal la sheegay inay ay duqeymo dhinaca cirka ah ka kala fuliyeen degaano ka tirsan Gobolada Jubbada Dhexe & Shabeellaha Hoose.

Diyaaradaha ayaa waxaa la sheegay inay duqeeyeen degaanka Haway ,waxaana Saraakiil Ciidan ay sheegeen in lagu dilay duqeyntaas Sarkaal lagu Magacaabi jiray Daahir Macalin iyo Xubno kale walow aysan si bixin faah faahino kale.

Dhinaca kale duqeyn diyaaradeed ayaa waxaa ay ka dhacday duleedka degmada Sablaale ee gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ay sheegeen in lagu dilay ku xigeenka Al-Shabaab oo lagu Magacaabi jiray Axmed Nuur.

Duqeymaha Diyaaradeed ee ka dhaca degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka & Shabeelaha Hoose ayaa waxaa inta badan sheegta howlgalka Mareykanka ee AFRICOM, iyaga oo sheegay inay la beegsadaan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.