Eretareeya oo iska fogeysay ku lug lahaanta dagaalka Dowladda Itoobiya & Ismaamulka Tigray.

0

War kasoo baxay Dowladda Eretareeya ayaa looga hadlay eedeyn la xiriirta in Askarta Xukuumadda Asmara ay qayb ka qaateen dagaalka ka dhacay Gobolka Tigray ee dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya & ismaamulkaas.

Warbaahinta Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Militariga Xukuumadda Addis Ababa ay dileen 550 kamid ah dagaalan yahanno difaacayay TPLF laguna toogtay gobolka Tigray ee waqooyiga dhaca.

Khasaaraha intaas wuu ka badan yahay sida ay tebisay Warbaahinta qaar, maadaama Dowladda Federaalka ay xadiday dhaq-dhaqaaqa Gobolka Tigray sida Internetka, Isgaarsiinta & isu socodka dadka.

Madaxa Gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa Talaaladii Eretareeya ku eedeeyay in ay weerar kusoo qaaday Gobolka, mana sheegin qaabka weerarkaas ay u fulisay & khasaaraha ka dhashay.

Abiy Ahmed & Isaias Afwerki waa saaxiibo dhaw oo dhowr jeer is booqday xitii inta lagu guda jiray Xayiraadda Coronavirus, ismaamulka Tigray ayaa ku doodayaa in Xukuumadda Asmara ay qayb ka tahay weerarka ka dhacay Gobolkaas.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in miiska wadahadalka lagu dhameeyo xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka Itoobiya & Ismaamulka Tigray, Balse dagaal & duqeyn toos ah oo ka dhacday Gobolkaas ayaa sababtay dhimasho, dhaawac & barakaca qoysas badan.