Ergayga MW JFS u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada oo Doolow u tagaya qiimeynta Dadka Abaarta kasoo barakacay.

0

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta tagaya Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa safarkiisa ku wehliya mas’uuliyiin katirsan Qaramada Midoobay si ay usoo ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Xeryaha la dejiyay Dadka Barakacayaasha ah.

Doolow waxaa saldhigtay Qoysas intooda badan ka barakacay Degmooyin katirsan Gobollada Baay & Bakool ee DG Koofur Galbeed iyo Degmooyinka qaar ee isla Gobolka Gedo si ay caawinaad ugu helaan.

Diyaar garow xooggan ayaa ka socda Degmada Doolow, mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmada iyo kan Gobolka Gedo ayaa isu diyaarinaya soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gargaarka Bani aadamnimada.

Maalin weliba waxaa Doolow taga Qoys u badan Xoolo dhaqato iyo Beeraley abaartu saameyn taban ku reebtay, maamulka Degmada ayaa sheegay in gargaarka Dadkaan la siiyo uu gaarayo 18%, marka la eego tiradooda iyo raashinka la siinayana aanay isku dhigmin.

La soco wixii kasoo kordha.