Ergeyga Qatar Al-Qahtani oo maanta la kulmaya madaxda Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle

0

Ergeyga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani ayaa maalinta oo Isniin ah la kulmaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug Axmed Qoor-Qoor iyo Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Wararka ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu maanta soo gaari doono Muqdisho si uu ula kulmo ergeyga wasaarada arrimaha dibada Qatar.