Ethiopia oo bilowday buuxinta biya-xireenka Nile iyo Masar oo ka carootay

0

Masar ayaa sheegtay inay ka heshay Itoobiya ogeysiis rasmi ah oo ah inay bilowday wajiga xiga ee buuxinta biyo xireenka weyn ee muranka badan dhaliyay ee webiga Nile, taasoo sare u qaadaysa xiisada hore u jirtey.

Arrintan ayaa soo shaac baxday maalmo ka hor kulan uu Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ka yeelanayo khilaafka ka jira biya xireenka Itoobiya ay ka dhiseyso wabiga Nile.

Wasaarada waraabka Masar ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku muujisay sida weyn oo ay ugaga soo horjeedo tallaabadan ay iskeed u qaaday xukuumada Itoobiya ayna tahay xadgudub sharciga iyo qawaaniinta caalamiga ah ee nidaaminaya mashaariicda laga dhiso wabiyada caalamiga ah.

Masar iyo Suudaan waxay wadeen olole diblomaasiyadeed oo ku saabsan heshiis sharci ah oo ku saabsan hawlgalka biyo-xidheenka, laakiin wadahadallada ayaa marar badan hakad galay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ka hadlaan arrintan maalinta Khamiista, waxaana bayaanka uu saasaray wasiirka waraabaka ee Masar Abdel Aty lagu sheegay in warqad uu u qoray golaha Golaha Ammaanka, si uu ugu wargaliyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay.

Addis Ababa waxay sheegaysaa in mashruucu muhiim u yahay horumarka, laakiin dawladaha Qaahira iyo Khartuum waxay ka baqayaan inay xaddido helitaanka biyaha muwaadiniintooda.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Waraabka ee Masar Maxamed Ghanim ayaa sheegay in Baaxadda biyaha uruuraya ay ku xirnaan doonto xaddiga roobabka xilliyeed ee ka da’a Itoobiya.

“Ma arki doonno wax saameyn ah oo hadda ku socda Nile. Waxaa inagu soo food leh bil ama bil iyo bar, ”ayuu yiri.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Masar Sameh Shoukry ayaa ku sheegay qoraal uu u diray UN-ka in wadahadaladu meel xun marayaan, wuxuuna ku eedeeyay Itoobiya inay qaadatay siyaasad ku dhisan madax-adayg taas oo wiiqday dadaalkeena wadajirka ah ee lagu doonayay heshiis.

Dowladda Itoobiya ayaa hore u shaacisay inay u gudbeyso heerka labaad ee buuxinta bisha July, heshiis ama heshiis la’aan.

Niilka – oo qiyaastii 6,000km (3,700 mayl) ah waa mid ka mid ah wabiyada ugu dheer adduunka – waa isha ugu muhiimsan ee biyo iyo koronto ay u helaan dhowr dal oo ku yaal Bariga Afrika.

Masar, oo ku tiirsan wabiga Niil inta badan waraabkeeda iyo cabitaankeeda, waxay u aragtaa biyo xireenka inuu yahay khatar jirta.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa horaantii sanadkan uga digay Ethiopia in dowladiisa aysan u dulqaadan doonin dhaq dhaqaaq kasta oo yareynaya qeybta Masar ee biyaha webiga Nile.

Biyo-xireenka oo dhererkiisu yahay 145-mitir (475-cagood), oo dhismihiisa la bilaabay 2011, wuxuu leeyahay awood dhan 74 bilyan oo mitir cubic.