Ex Madaxwayne Sh Shariif oo amaray in la dacweyo Madaxa Dowladda dhexe

0

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Oo Ah Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa weli la hadal hayaa Dhaartii uu xalay jeediyey ee ka dhanka aheyd Madaxda Dawlada Federaalka Soomaaliya.
Shariifka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay wax la yaab leh ku aheyd daan daansiga lagu hayo dadka Shuruucda ubuuxiyey sidii ay uga shaqeysan lahaayeen Soomaaliya.

Si gaar ah waxa uu faray Maamulka Shirkada iska leh Diyaaradii ay kireysteen Shalay ee Beled weyne u qaaday inay dacwooto oo Dawlada iyo Laanta Duulista ay kiis Dacwad ka gusbiso.

Waxa uu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed inay iyaga u hadlayaan cid walbo oo Xasaanad laheyn oo Dalkaan dhib kala kulanta iyadoo Shaar dawladeed loo adeegsanayo.
Madasha Xisbiyada Qaran ayuu sheegay Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya inay diyaar u tahay Cabashada Dadka kasoo gaara inay soo gudbiyaan maadaama ay iyagu yihiin Astaan Qaran oo aan lagu xad gudbi Karin Sharaftooda iyo Sumcadooda,wixii Dhaliil ahna ay gudbin karaan.