Faa Faahin: Banaanbax ka dhacay Jowhar

0

Qaar kamid ah Shacabka ku nool Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa goordhow waxaa ay Magaaladaasi ka bilaabeen banaanbax ka dhan ah Ciidamada Booliska hir-Shabelle ee ka howlgalla Magaalada Jowhart.

Banaabaxa ayaa looga soo horjeeda Howlgallo ay saaka Ciidamada Booliska ka sameeyeen xaafado ka tirsan Magaaladaas,isla markaan ay kusoo qab qabteen dad kor u dhaafaya ilaa 100 Ruux, kuwaas oo dhalinyaro u badan.

Dhalinyaradaan ayaa loo soo qab qabtay Qaraxii Bambo ee lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkii Amniga Gobolka Shabellaha dhexe Muxumed Dugaal iyo Wiilkiisa,xilli bamka lagu weeraray Gurigooda oo ku yaalla xaafada Hanti-Wadaag.

Dadka ay ka xeran yihiin Ehaladooda iyo carururtooda ayaa muujinaya Bananbaxyo ay kaga soo horjeedaan dadka ay Ciiidamada Booliska Hir-Shabelle xireen,waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in Ciidamada ay dadka banaanbaxayaasha ah ay ku ridayaan rasaas farabadan.