Faa Faahin: Ciidamada Booliska Dhuusamareeb oo toogtay Nin hubeysnaa

0

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada ku sugan Saldhiga Booliska degmadaasi ay xalay toogteen Nin hubeysnaa oo isku dayey in uu galo Saldhiga Booliska degmadaas.

Toogashada Ninka hubeysan ayaa timid kadib markii uu isku dayey in uu galo saldhiga,hayeeshee ay ku amreen in uu istaago Ciidamada ilaalada Saldhiga,balse uu rasaas ku furay taas oo keentay inay toogtaan sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Toogashada Ninka hubeysnaa ka hor ayaa wararku waxaa ay sheegayaan in is rasaaseyn daqiiqado socotay ay dhexmartay isaga iyo Ciidamada Booliska saldhiga ku sugan, iyada oo ugu dambeyn ay toogteen.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa uu ahaa Shaqsiga hubeysnaa ee isku dayey in uu galo Saldhiga Dhuusamareeb ee la toogtay,waxana saraakiil ka tirsan Boolis ay sheegeen in is rasaaseyntii dhacday aysan khasaaro dhinacooda kasoo gaarin.
Xaalada Magaalada Dhuusamareeb ayaa saakay ah mid caadi ah,waxaana socda isku socodka dadka iyo Ganacsiyada kala duwan ee Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug.