Faa Faahin Diyaarad ka degtay Kismaayo iyo waxay ay siday

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarad ka ambabaxday Magaalada Muqdisho maanta in ay gaartay Magaalada Kismaayo oo halkaasi ay kasoo qaaday Rakaab.
Sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal ma jirin rakaab ay diyaarado ka qaaday Muqdisho marka laga reebo Shaqaallaha diyaaradda iyo qalab Caafimaad.

Diyaaradda ayaa soo qaaday dad u badan Shacab oo maalmihii ugu dambeeyay ku xayirnaa Magaalada Kismaayo ka dib markii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xayiraad saartay.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa ku sugnaa garoonka Kismaayo markii ay diyaaradda soo degeysay.