Faa faahin qaraxyo caawa ka dhacay muqdisho.

0

Qaraxa koowaad ayaa loo adeegsaday gaari nooca Toyota Noha loo yaqaan, waxaa uuna ka dhacay Dhabarka dambe ee xarunta Iskaashatada Gaadiidleyda Degmada Xamarweyne.

Taliye ku xigeenka Booliska Zakiya xuseen ayaa sheegtay in qaraxa cidna aysan wax ku noqon, isla markaana gacanta lagu dhigay ruuxii weday gaariga qarxay iyo labo la tuhmayo.

Dhinaca kale gaari nooca raaxada ah ayaa saacad kadib ku qarxay meel u dhow Iskuulka Jabuuti xaafada Buula-xuubey ee Degmada Wadajir.

Dhawaqa qaraxyadaan oo afurkii kadib la maqlay ayaa khal khal amni ku abuuray shacabka Muqdisho oo habeenadii lasoo dhaafay si nabad ah ku afuraray.