Faa Faahin: Rag lagu Tuhmayo Dilka Sargaal ka tirsan Dowladda oo Gacanta lagu dhigay

0

Saakay waaberigii ayay aheyd markii Kooxo hubeysan ay Xaafada Howl-Wadaag ee Magaalda Baladweyne ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya, iyaga oo goobta ka baxsaday.

Hayeeshee Ciidamada Dowladda ayaa waxa ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyey dilka Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Cumar Cabdi Mahad,waxana howlgalkaas lagu soo qabtay dad lagu tuhmaayo inay ka dambeeyeen dilkaas.

Taliyaha Guutada 5aad qeybta Gobolka Hiiraan Korneel Faarax Cali Waasuge ayaa sheegay in Ciidamada howlgalka ay sameeyeen laamaha ay ka kooban tahay Xaafada howl-Wadaag,isla markaana ay kusoo qabteen dad farabadan oo looga shakisan yahay inay dilka ka dambeeyeen.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in laamaha Amaniga Soomaaliya ay baaritaano ku hayaan dadka howlgalka lagu soo qabtay,islamarkaana uu rajeynayo inay kasoo baxaan waxyaabo dadka ay ku farxaan waa sida uu hadalkau dhigay.

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa ka dhacay falal amnidarro, iyada oo lagu dilay askar iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.