Faa Faahin: Sarkaal Muhiim u ahaa DF oo lagu Toogtay Jowhar

0

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka aty ku dileen magaalada Jowhar ee xarunta Dowladda Goboleedka Hirshabeelle.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaalka ay dishay uu ahaa hal xidigle ka tirsanaa ciidamada ka howlgala magaaladaasi.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in xoogagii dilay ay horay uga sii qaateen qori AK47 ah oo uu watay, sida laga soo xigtay warbaahinta ku hadasha Afka Al shabaab,

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka Hirshabeele oo ku aadan ku aadan dilka Sarkaalka Al shabaab sheegtay in ay ku dishay Magaaladda Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Ammaanka Jowhar ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid degan, iyadoona ciidanka amnigu ay howlgallo ka wadeen gudaha magaaladaasi walow aysan jirin ilaa hada Cid loo soo qabtay Dilka Sarkaalkaan.