Faa Faahn: Waa sidee xaalada Jowhar kadib banaanbaxii Galabta

0

Gelinkii dambe ee Isniinta Maanta aheyd ayaa waxaa Xaafado katirsan Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ka dhacay banaanbax ay dhigayeen qaar kamid Shacabka ku nool magaaladaas.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanayay in la siidaayo dad ku hdow 100 oo Ciidamada Booliska ay ku qabteen howlgal ay ka saneeyeen Xaafada Hanti Wadaag halkaasi oo xalay bam lagu dilay Guddoomiye kuxigeenkio Amniga Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dadka banaanbaxa dhigayay oo isugu jiray Waalidiin iyo dad kale ayaa saraakiisha Booliska waxaa ay ka dalbadeen in Carruurtooda loo siidaayo,iyaga oo qaarkood taayaro ku gubay wadooyin kamid ah kuwa Magalada Jowhar.

Dhinaca kale Ciidamada Booliska Magaalada Jowhar ayaa waxaa ay xabaiga dhigeen Warire Cabdi Casiis Macalin Foolyareey oo kamid ah Wariyeyaasha Magaalada Jowhar,kaas oo tebiyey warka la xiriira banaanbaxa iyo dilka guddoomiye kuxigeenka.

Xaalada Magaalada Jowhar iyo deegaano badan oo katirsan Hir-Shabeelle ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa laga deyrinayay amnigooda,iyada oo ay ka dhaceen weeraro iyo qaraxyo mas’uuliyiin lagu dilay.