Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan iskahorimaad hubeysan oo xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca waqooyi.

Illaa saddex ruux oo mid ka mid ah ay tahay dumar ayaa ku geeriyootay lix kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyadoo dagaalkuna uu yahay mid u dhexeeya ciidamada Amniga Puntland iyo rag hubeysan oo ka ganacsada khamriga.

Dagaalka oo bilowday xalay ayaa saaka dib u soo cusboonaaday iyadoo dagaalkuna sababay in guryo ay ku gubtaan.

Waxaa xiran goobaha ganacsi ee deegaanada ku dhow dhow halka uu dagaalku ka dhacay,waxaana socda dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo dagaalka.

Deegaano badan oo ka mid ah dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku soo kordhaya ka ganacsiga iyo isticmaalka khamriga oo laga keeno dalka Itoobiya.