Faallo Wada hadal Somaliland lala galo waa waqti lumis

0

Maamulka Somaliland waxaa laga soo wariyay inay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan dawladda Somaliya. ka dibna waxay soo qoreen shuruudo aan la aqbali karin oo ay ku xireen wada hadalladaas.

Shardiga 1aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka

Somaliland waxay dalbatay in dawladda Somalia qirto in Somaliland ahayd dawlad madax banaan 26 June 1960. Shardigaan runna ma aha lamana aqbali karo.

Waxaan la yaabay sababta Somaliland shuruudaha aan la aqbali karin ugu xirtay wada hadallada. Waxaan is waydiiyay sidee u dhici kartaa in dhamaan wax-garadka, culimada diinta, aqoonyahanada, siyaasiyiinta, oday dhaqameedka, iyo madaxda maamulka Muse Biixi ay u fahmi waayeen in haddii xujooyinkooda la yeelayo aaban loo baahdeen in la wada hadlo oo ay mar horeba noqon lahayeen dal gaar ah oo Somalia ka madax banaan.

Valueimpression Placeholder

Somaliland waligeed ma noqotay dal madax banaan oo la aqoonsan yahay?

Jawaabtu waa MAYA. Dhulka Somalia oo dhan waligii wuxuu ahaa hal waddan oo qabaa’il Somali ah wada degaan amaba kala degaan. hayeeshee maadaama af laba daan leh uusan muran daynayn, taariikhda dib u milicso.

Gobolladii waqooyiga Somalia ee la oran jiray British Somaliland waxay ahayeen dhul ay wada degaan qabaa’il kala duwan oo Somali ah oo isugu jira Isaaq, Gadabuursi, Ciisa, iyo Warsangali kuwaas oo 1890-aadkii oggolaaday in Ingiriis gumaysto, iyo Dhulbahante oo diiday inay Ingiriis la galaan heshiis uu ku gumaysanayo. Haddii shaki ku galo Internet-ka ka baar oo aqriso qoraalkan (The Illusory “SOMALILAND” Setting the Record Straight), haddii aad waydano ii so sheeg anaa ku so diree. Wixii intaa ka duwan wa riyo, maweelo iyo mari habaabin dhallinyarada aan taariikhda somalia waxba ka garanayn lagu marin habaabinayo.

Tan kale, 1940-kii markii dagaalkii 2aad ee adduunka la jabiyay Germany iyo xulafadiisii (Italy, Japan, etc) ayaa waddamo Talyaanigu gumaysan oo Somalia ka mid ahayd la wareegay Ingiriiska. Ingiriiska oo Somalia oo dhan wada haysta baa Qaramada midoobay Somalia u oggolaadeen in la siiyo maamul Daakhiliya ah. Ingiriisku odayaashii Somalida Koonfurta bu u yimid oo ku yiri haddii aad Ingiriiska u doorataan inuu Daakhiliyada idin maamulo oo aydan Talyaani dooran waxaan idiin ballan qaadayaa inaan shanta Somalia mideeyo.

Odayaashii Koonfurtu oo ay hoggaanka u hayaan Majeerten iyo Abgaal way diideen oo waxay dhaheen anagu af-Ingiriis ma naqaan sidaa awgeed Talyaanigeenan daysanayaa. Markaas ba Somalia oo dhan xukunkii loogu dhiibay Talyaani.

Markii xukunkii Talyaaniga ee Daakhiliyada ahaa dhamaaday ba xorriyad la siiyay goballadii waqooyiga Somalia iyo kuwii koonfurtaba, ka dibna iyadoo uusan midna ahayn dal gaar ah bay magacoodii hore ee Soomaaliga ahaa dawlad ku dhisteen, iyagoo rajaynaya inay gobollada maqan ee Jibouti, Ogaden (Somali Galbeed), iyo NFD ay ku soo biiri doonaan markii ka xoroobaan gumaystihii Ingiriiska iyo Itoobiya.

Xuduudihii gumaystuhu ka tagay Somaliland ma u xujaysan kartaa inay tahay dal jiray?

Mar kale, jawaabtu wa MAYA. Sida aan kor ku soo xusnay waligeed lama arag, lamana maqal, ma jiri jirin waddan ama jamhuuriayd la yiraahdo Somaliland. Sidoo kale, u malayn mayo in Somaliland ay waligeed u suuragali doonto inay noqoto dal gaar ah. Waayo waa qabiil gadooday. Qabiilna qaran ma noqon karo.

Tan kale, intaan Ingiriis iyo Talyaani imaan Somalia, yaa lahaa oo degi jiray geyiga Somalia. Ma xuduudaa u dhexayn jiray qabaa’ilka Somalida ee wada dega? Ingiriis horti yaa lahaan jiray dhulka hadda Somaliland xoogga ku haysato ee ay degaan ahaan u leeyihiin shucuub aaminsan midnimada Soomaaliya. Macne ma samaynayso in qiil laga dhigto oo dawladnimo laga raadiyo xuduudo ay sameeyeen gumaystihii Somalia  gumaysan jirtay.

Waxaa kaloo la yaab leh in Somaliland ku doodo waxaan rabnaa inaan ka go’no Somalia laakiin isla markaa waxaan ikhtiyaarka ka qaadaynaa oo xoog ku haysanaa gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo dadka dega badankiisu taageersan yihiim midnimada Somalia. Laakiin kaba soo qaad in loo raaco fikarkooda ah inay go’aan loona oggolaado inay aayahooda ka tashadaan, taasi miyaysan kallifayn in Somaliland u oggolaato gobollada dadkoodu aaminsan yhaay midnimada Somalia, gobolladaas oo iyada hadda hoos yimaada sow ma aha inay aayahooda ka tashadaan oo yeeshaan ikhtiyaar ay uga mid ahaadaan Somalia.

Ma dhici karto in Somaliland tiraahdo sida anagu aan rabno oo qura waa in la yeelaa. Somaliland iskuma heli karto inay damacdo inay xoog uga  go’do Somalia isla markaana xoog ku haysato dhul iyo dad raba midnimda somalia. Markii Somaliland oggolaato in dadka ay xoogga ku haysato ka tashadan aayahooda baa iyana lagala hadli karaa rabitaankooda.

Shardiga 2aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka

Haddii laba dhinac khilaaf soo kala dhex galo, waa muhiim in la wada hadlo oo la isku dayo in xal loo helo khilaafka taagan. Sidoo kale waxaa labada dhinac ka tashan karaan golaha la isugu imaanayo, ajendaha garta laga xaajoonayo, iyo in loo baahan yahay in gogol loo fidiyo ergo kale oo ka baxsan labada dhinac ee is haya. Laakiin ergada dhinac walba mathalaysa waxaa soo xulideeda xaq u leh cidda ay mathalayaan. Waa ayaan darro in maamulka Somaliland ay ku doodaan ergo anaga noo danaynaysa waa inay soo dirsato dawladda Soomaaliya. Haddii ay Somaliland xulayso ergada mathalaysa Soomaaliya khilaafba ma jireen wada hadalna looma baahdeen.

Shardiga 4aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka

Somaliland waxay rabtaa in beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan. Taas horaan uga soo hadalnay oo Somaliland waligeed ma noqon, haddana ma aha dawalad madax bannaan. Waxaana habboon in Somaliland ay ka gudbaan maaweeladii iyo madadaaladii ay ku jireen ilaa iyo 1990-kii oo ay runta aqbalaan.

Shardiga 5aad ee Somaliland ku xirtay wada hadalka

Somaliland waxay dalbatay in dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah.

Somaliland miyasan ogayn in Qaramada midoobay iyo hayadaha caalamiga ah ay khasab ku tahay inay dhowraan una hoggaansamaan qawaaniinta caalamiga ah. Somaliland wali Somalia bay ka mid tahay, ilaa taasi iska beddalaysana astaamaha hayadaha caalamiga ah ma isticmaali karaan astaamaha Somaliland. Deeqaha soo gaara Somaliland iyo mashaariicda laga fulinayo Somaliland waxay ku soo baxaan magaca Somalia. Dawladda Somaliana sida ay maamul goboleedyada kaleba ugu gudbiso qaybtooda ayay Somalilandna ugu gudbisaa qaybteeda.

Jibouti miyaysan ahayn dal madax banaan

Dad baa ku dooda miyaanay Jibouti ahayn gobol somaliyeed oo fransiis gumaysan  jiary  oo maanta ah dal jira oo caalamku aqoonsan yahay? Jibouti markii francisku xorriyadda siinayay ayuu dawladdi Somalia ku xiray oo ku yiri haddii aysan Soomaaliya ku biirayn wa siinayaa xorriyadooda. Dawladdi Somalia ee waagaas jirtay waxay is tustay inay haboon tahay in dadkas aan lagu sii hayn gumaysiga. Lakiin waqooyiga iyo koonfurta somalia duruufahas oo dhan ma khusayn lamana hor dhigin oo waxay aahaayen walina yihiin Somali dhisatay dawalad Soomaaliyeed.

Gobollada kale ee maqan sida NFD iyo Kililka 5ad, waxay noqon lahaayeenba wali gacan laguma hayo lakiinse haddiiba ay xorriyad helaan oo ikhtiyaar la siiyo u malayn mayo inay gaar isu taagi lahaayen.

Ha la waydiiyo Somaliland inay taageeraysaa in NFD iyo Somali-Galbeed ka go’aan Kenya iyo Ethiopia?

Qofkii raba inuu wax ka ogaado taariikhda Somalia iyo sidii qabaa’ilku u kala deganaa ha akhriyo buugga the first foot steps in east Africa by Sir Richar Burton ( riix halkaan) or the scrample for africa, somalia waxay ka mid ahayd waddamo yar oo dadkoodu si walba isku mid yihiin haddana shan qaybood loo kala jaray. Ka dibna gobolladii Ingriiska iyo Talyaanigu gumaysan jireen xorriyadoodii dib u so ceshadeen.

Waddaanka Kenya waxa dega 45 qawmiyadood oo kala AF, kala diin iyo kala dhaqan ah. Ethiopia waxa dega ku dhowaad 100 qowmiyadood oo iyana kala duwan. Nigeria iyo africada badankeedu wa sidaas oo kale, haddana waddamadas oo dhan waa midaysan yihiin oo waxaa u dhisan dawlado dadku u hoggaansan yahay dawladda.

Wax midnimo lagu waayay bur-bur laguma heli karo

Haddii aan dhanka diinta Islaamka ka eegno, midnimadu waa shay qaali ah oo ay tahay in la ilaaliyo. Bal u fiirso maalinti 5 jeer, usbuuci mar, sanadkiina mar ba la is faray in dadka islaamaka ah isu yimaado. Haddii roob da’ayo salaaddi waa la so hormarinayaa si midnimada loo dhowro. Saddex qof haddii ay safarto waxa faray inay hoggaamiye samaystan.

Somaliland may hankeeda gaarsiiso inay Somali oo dhan xukunto

Somaliland haddii ay dhihi lahayd dhulka somalia oo dhan baan rabnaa inaan xukuno ba dhaami lahayd go’itaan raadiska. Fursaddii way soo martay laakiin way faa’idaysan waayeen wayna fahmi waayeen inay hamigaas sare yeeshaan

Jasiiradda yar ee U.K. baa mar addunka badanki xukuntay, hamigoodaa sidaas gaarsiiyay.

Hamigeenu wa inu ka waynaado qabiil, gobol, iwm. Haddii Somaali midowno east Africa oo dhan bay hogaamin karaan.

Midnimada Somalia waxay ku xiran tahay maamul u samaynta SSC

Furaha midnimada Somaaliya waa in maamul loo sameeyo gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn (SSC) ee ay degaan dadwayne taageero wayn u haya Dawladda dhexe ee Soomaaliya, aadna ay ugu wayn tahay midnimada Soomaaliya, laakiin ilaa iyo hadda aan ka helin dawladda dhexe ee Soomaaliya wax tageero ama ictiraaf ah. Sidaas oo ay tahay mawqifkooda ku aaddan midnimada Soomaaliya kama galaan gor-gortan inkasta oo gobolladooda ay xoog ku haystaan Maamulka Somaliland oo raba inuu ka go’ Soomaaliya.

Madaxwaynuhu miyuusan ogayn in iyada oo aan dhiig la daadin, dhaqaale bandanna aan la lumin inuu soo de-dejin karo dib u midaynta dadka iyo dalka Soomaaliya, keliya waxay ku xiran tahay inuu saxiixo in gobollada SSC ay yihiin maamul goboleed cusub oo ka tiran dawladda dhexe ee Soomaaliya, markaa ka dibna uu xal u raadiyo shacabka midnima doonka ah ee reer Awdal, iyo degaannada kaleba.

Tusaale ahaan, haddii Sool, Sanaag, iyo Cayn maamul loo sameeyo, maamulka Hargeysa wuxu lumninyaa dhul badan oo uu hadda xoog ku haysto, shacabkooduna aaminsan yahiin midnimada dalkooda. Ka dib waxa Somaliland u so haraya dhul ka yar afar-meelood-oo-meel dhulka hadda ay haysato, dawladda dhexena waxa ka fududaanaya culayaska iyo shuruudaha Somaliland la timaaddo miiska wada hadalka, loomana baahanayo wax waan-waan ah oo macna wayn leh in lala galo maamulka Somaliland, waayo mar haddii Sool, Sanaag , iyo Cayn ay ka hoos baxaan maamulka Somaliland oo  ay yeeshaan maamul gaar u ah iyaga waxaa wiiqmaya jiritaanka Somaliland, iyo ismoodsiiska ah inay dal gaar ah yihiin ama noqon karaan.

Maxa Dhacaya Haddii Maamul Loo Saymayn Waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn?

Haddii Madaxweyne Farmaajo maamul u samayn waayo Sool, Sanaag, iyo Cayn waxa Soomaaliya soo gaarindoona fashilkii ugu waynaa taariikhdeeda, Farmaajana wxuu taariikhda ka gali doonaa baal madow haddii kala go’ dhaco xilli uu isagu Madaxweyne Soomaaliyeed aha, iyadoo shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba (gaar ahaan shacabka Awdal, Sool, Sanaag, iyo Cayn) ay u harraadan yihiin dawladnimo, midnimo, horuman, ammaan.

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Xogdoon, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid