Faallo: Wanaag Farista Awooda Badan!:

0

Culimo guddida wanaag farista iyo xumaan reebista , waxa dhawr iyo toban sanno ka hor ka aas-aasay magaalada Hargeysa Xaaji Ibraahin Dool Alle ha u naxariistee.

Shaqoodu way koobnayd oo waxa ay ahayd in ay kala eryaan ama soo qabtaan dhalinyarada banaanada isku shukaansada oo loo yaqaanay Isla-joog .Waxa kale oo ay dawladda farta ugu fiiqi jireen guryaha la tuhmo , laakiin may lahayn awood fulineed.

Magaalada Burco , waxa ay ka yihiin hay’add awood badan oo qabata shaqada dawladdu u igmanayd , iyaga oo gacantooda ku fuliya arrimaha qaarkood.

Magaaladan, waxa ay hore uga mamnuuceen miyuusiga aroosyada lagaga ciyaaro , iyaga oo hotel-da ku khasbay in aan miyuusiga laga shidan marka laga reebo xafladaha xisbiyadu qabsadaan iyo xuska 18 May oo aanay xakamayn karin.

Toddobaadkan, waxa ay joojiyeen iyaga oo wata illaa 7 baabuur oo boolis ah, xafladda lagu soo bandhigayey buug la yidaahdo Hadyad Jacayl oo ay danaynayeen lamaanayaasha is qaba iyo dhalinyaradu , waxa ay buuga ku tilmaameen in uu xambaarsanyey faxshi .

Laakiin markii la weydiiyey meelaha ay dhaliilayaan iyo bal in ay akhriyeen , waxa ay yidhaahdeen” Dee waa la noo sheegay uun maanaan akhriyine”

Guddida kama mid ah culimada aqoonta u leh Diinta ee magaalada Burco, hase ahaate waxa ku jira dad qushuucsan, laakiin aan fadwoon karin.

Qore Mohamed Boosh