Wasiirka Warfaafinta DG Galmudug Axmed Shire Falagle oo Mustaqbal la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaallada Al-Shabaab ay ka geysteen Gobolka Galgaduud oo ay ku dhinteen Saraakiil katirsan Ciidanka Dowladda.
Falagle waxa uu sheegay in weerarada Al-Shabaab ay yihiin kuwo jidgal ah, ujeedka ay ka leeyihiin ayuu ku sifeeyay in ay muujiyaan joogitaankooda deegaannada Galmudug sida uu hadalka u dhigay Wasiir Axmed Shire.
“Waxa aan ka tacsiyeenayaa saraakiil si qaldan waddada ugu galeen Al-Shabaab oo geeriyootay, waxa ay wadeen sahan deegaannada ah, Shabaab waxa uu ujeedkoodu ahaa waan joognaa balse ma jiro dagaal ka dhacay Gobolka Galgaduud” ayuu Mustaqbal u sheegay Wasiir Falagle.
Axmed Shire Falagle waxa uu sheegay in Ciidamada Federaalka & Daraawiishta Galmudug wadajir ay u wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab isla markaana ay kawada shaqeynayaan xoojinta nabadgalyada.
Isku dhac Ciidan oo ka dhacay Dhuusamareeb ayuu Wasiir Axmed Shire Falagle ku sheegay in xal ka gaarista shaqaaqadaas loo daayay saraakiisha Ciidamadaas ay ka kala tirsan yihiin si ay u mariyaan anshaxa u yaalla.
Al-Shabaab ayaa weeraray Deegaanno katirsan Galmudug, waxaa ka dhashay dagaalladaas Dhimasho & dhaawac, Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa daraawiishta ayaa dhaqdhaqaaqyo kawada Gobolka Galgaduud.