Falanqeynta Kulanka Aadka U Adag Ee Manchester United Vs Liecester City (Leicester Oo Dooneysa In Ay Hanashadda Horyaalka U Dabaal Degto)

0

Maxaa Kulankan Laga Soo Calaamadiyey:-

Labada kooxood ayaa ku jira bandhig weyn,kooxda marti ah ee Leicester ayan laga badin 9 kulan ee ugu danbeyay horyaalka.

kooxda Claudio Ranieri ayaa sidoo kale shabaqa ilaashatay 6 kamid ah 7 kulan ee ugu danbeysay horyaalka.

Leicester ayaa sidoo kale ku guuleystay 3-tii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen iyo sidoo kale shabaqa ilaashaday.

Red Devils aya xog ku leh gurigeeda, waxa ay badiyeen 6 kulan ee ugu danbeysay ay garoonkeeda ay ku ciyaareen.

United ayaa sidoo kale shabaqa ilaashatay 4 kulan ee ugu danbeysay ay garoonkeeda ku ciyaartay.

Maxaa ka cusub Labadda Kooxood:-

Tababaraha ayaa waxaa la filayaa uu shaxdiisa kusii wato 4-1-4-1.

Luke Shaw, Januzaj, Schweinstiger iyo Keane ayaa weli ka soo kabanaya dhaawac, halka Phil Jones shaki uu ku jiro kulankaan madaama uu weli la dhibtoonayo inuu helo taam ahaansho.

Vardy ayaa seegi doona kulanka isagoo wajahaya ganaax , Ulloa ayaa kula soo bilaaban doona afka hore Okazaki.

Shaxda Macaquulka Ah:-

Manchester United Line-up (4-1-4-1) De Gea,Rojo, Blind, Smalling, Fosu-Mensah,Schneiderlin,Martial, Fellaini, Rooney, Lingaard,Rashford.

Leicester City Line-up (4-4-2) Schmeichel,Simpson, Morgan, Huth, Fuchs,Mahrez, Drinkwater, Kante, Schlupp
Okazaki, Ullao.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here