Faransiiska oo xadidi la’ Tahriibayaasha uga gudba Ingiriiska, 2022 waxaa doomo yaryar ku tahriibay 33,500 oo ruux.

0

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Faransiiska ayaa gacanta ku dhigay 360 ruux oo Tahriib uga baxay Dalkaas si ay u galaan Waddanka Ingiriiska, mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Paris ayaa sheegay in tahriibayaasha la geeyay goob gaar ah si loogu hayo maadaama naftooda lasoo badbaadiyay.

Waxa ay la socdeen Doon yar, Ciidamada ilaalada Xeebaha Faransiiska oo helay Xogta Dadkaas ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan si aanay u rogmay Doontooda, waxaana la kala geeyay Dekedaha Calais, Boulonge & Dunkirk.

Daraasad lagu sameeyay qulqulka Tahriibayaasha isaga kala gudba Biyaha u dhaxeeya Faransiiska & Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sanadkaan 2022 ay kordheen socodka Dadka raba in ay ku noolaadaan Britain.

Boqortooyada Britain ayaa dhowr jeer oo hore dhiggeeda France ka dalbatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa Tahriibayaasha kasoo tallaabaya Xeebaha Dalkaas si loo yareeyo qulqulka aan xadka lahayn ee soogalootiga.

Saraakiil katirsan Ciidamada Ilaalada Xeebaha Ingiriiska ayaa sheegay in ay dib u celin doonnaan Doon weliba oo ay la socdaan Tahriibayaasha kasoo gudba dhanka Faransiiska, marin biyoodka u dhaxeeya labada dal waxaa laga howlgeliyay Ciidamo kahortaga soogalootiga.