Farmaajo: Hey’ado Badan ayaa Naga Caawinaya Kasoo Kabashada Dhaqaale Ahaan ee Covid 19

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa xalay qaab muuqaal ah uga qeybgalay shirka IGAD ee looga hadlayey arrinta Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in marka la eego dhbaatada dhaqaale ee qaarad iyo gobolka ka jirta aan la ogeyn qaabkeeda 2020 ama wixii ka fog isaga oo intaa raaciyey in hey’adaha lacagta iyo kuwa horumarinta taageera ay dalkiisa ka caawin-doonaan ka soo kabashada dhalaae xumida Covid 19.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka hadlay in dib u habeyn lagu sameeyo hey’ad ahaan urur gobolkeedka IGAD iyada oo la tixraacayo heshiisyada hore, la iskana kaashada amniga, dhaqaalaha iyo bulsho ahaan.

Shirkan oo u dhacay qaab Online ah ayaa imaanaya kadib markii uu dunida saameeyey Covid 19 isla markaana ay adkaatay in fadhiga caadi ah uu dhaco.