Farmaajo oo lagu eedeeyey in uu sameeyay Jabhado hubeysan

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu sameeyay jabhado hubeysan.

Wasiir Kaahin ayaa sheegay in Jabhaddaan loogu tala galay in lagula dagaallamo Somaliland, islamarkaana ay u gudbiyeen beesha Caalamka dacwad ka dhan ah Arintaasi.

Waxaa uu sheegay in Jabhaddaha hubeysan qaar ka mid ah ragga hoggaaminaya ay Somaliland u taqaano si wanaagsan oo lagu doonaayo in lagu burburiyo Somaliland.

Ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu dhibaato ku haayo degaanada maamulka Somaliland.

Wafdi ka socday Somaliland oo ku sugnaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Nairobi ayaa la kulmay qaar ka mid ah Safiiradda Calaamka, waxaana ay sheegeen in ay kala hadleen xaaladdaha Somaliland oo Jabhaddaha ay ugu horreyso.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli Jabhad hubeysan ay ka dillaacday gobolka Sanaag ee Somaliland, kuwasoo fadhigooda uu yahay Magaalada Qardho, islamarkaana la dagaallama Somaliland.