Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray oo ku qarxay Muqdisho!

0

nta u dhaxeysa Isgoysyada Sayidka & Dabka Wadada Maka AL-Mukarama ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qarax loo adeegsaday Gaari lagu soo raray Walxaha qarxa oo jugtiisa inta badan laga maqday Gobolka Banaadir.

Kahor Qaraxa waxaa la maqlay rasaas xooggan oo ay rideen Ciidamada ammaanka Dowladda oo ku sugan meel aan sidaas uga fogeyn Isgoyska Dabka, kuwaas oo baara Gawaarida u gudubta Dhanka Sayidka.

Muddo kooban kadib waxaa qarxay Gaari nuuca Raaxada ah, waxaana meesha is qabsaday Uuro, waxaana la xiray Goobaha ganacsiga, halka uu istaagay isu socodka Dadka & Gaadiidka kala duwan ee Dadweynaha.

Gawaarida Gurmadka degdega ah (Ambulances) ayaa goobta tagay si ay u qaadaan dadka waxyeeladu gaartay, inkasta oo ilaa haatan aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxa inta uu gaarsiisan yahay dhimasho & dhaawac.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo goobta tagay ayaa xiray wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray saraakiil katirsan Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Amniga.