Galmudug oo Puntland ku wareejiysay Gaari laga soo dhacay Wasiir ku xigeen ka tirsan Puntland

0

Ciidamada Amaanka ee Maamulka  Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay gaari ay la heyd Wasiir ku xigeen ka tirsan Puntland oo ay soo dhaceen koox burcad badeed ah kuwaas oo Galmudug lasoo aaday

Howlgalka lagoo qabtay Gaariga iyoiyo kooxdii  soo dhacday ayaa waxaa si gaara ah u fuliyay Ciidamada Booliska Magaalada Gaalkacyo.ee mamu lka Galmudug.

Kooxdaan Burcadka ah ee soo dhacay Gaari ay laheyd Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa waxa ay lasoo aadeen degaanada Galmudug.gar han maglada Gaalkacyo.

Maamulka Galmudug ayaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka Puntland Farxiyo Yuusuf Xirsi ku wareejiyay Gaarigeedii oo uu kasoo dhacay nin sida lasheegay dawar u ahaa.

Xeer ilaaliyaha gobolka Mudug ee galmudug Maxamuud Cabdi, ayaa sheegay in Gaari lasoo dhacay uu ahaa landgruser  deeganada Galmudugna uu soo gaaray xalay hayeeshee seddex maalin ka hor ay kooxdan la soo qabtay ay soo dhaceen .

Ciidamada Booliska maamulka Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo kala duwan oo lagu xaqiijiyo Ammaanka ,islamarkaana looga hortagaayo kooxaha Burcadda ah.

Xogdoonnews;

Muqdisho Somalia

Xogdoon2015@gmail.com