General Tareedishe oo u digey ciidamada inay dagaal beeleed ka qeybgalaan

0

Taliska qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiisha booliska Hirshabeelle iyo maamulka Gobalka Shabelaha Dhexe ayaa xal ka gaaray ciidamo dhowaan ku dagaalamay magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle.

Kulan ay ka qeybgaleen madaxda maamulka gobolka Sh/dhexe,kan degmada Jowhar iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo ciidamada Booliska oo lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa loogaga hadlay sidii loo xalin lahaa khilaaf soo kala dhex galay ciidamo boolis ah iyo kuwa ilaalada u ah madaxtooyada Hirshabelle.

Taliyaha booliska Hirshabeelle Xasan Dhicisow Xasan oo hadal ka jeediyay kulanka kadib ayaa sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay si wadajir ah meel loogaga soo wada jeesto la dagaalanka kooxaha Nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga Dalka Jenaraal Axmed Maxamed Tareedisho oo la hadlay ciidamada ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadin doonaan askarigii ka qeyb gala dagaal qabiil, isla markaana ay maxakamadda ciidamada qalabka sida horgeyn doonaan

Ku-simaha Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Maamulka Gobalka Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow ayaa qeybaha kala duwan ee saraakiisha kaga mahadceliyay xal u helidda shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Jowhar.