General Xijaar oo Taliye cusub u magacaabay Saldhigga Booliska Jowhar

0

Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa taliye cusub u magacabay saldhiga Booliska degmada jowhar isagoo xilkii ka qaaday taliyihii hore ee saldhigaas dhame Maxamed Siyaad Cali canjeex.

Wareegto kasoo baxday Xafiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeellle loogu magacaabay Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy iyadoo taliyahii hore saldhiga degmada jowhar loo bedelay taliska ururka booliska .

Taliyihii hore ee Saldhiga Booliska degmada Jowhar Dhamme Maxamed Siyaad Canjeex ayaa muddo dheer xilkaas hayay waxana uu mudadii uu xilkaas hayay isku bedeley mamulo badan.

general xijaar oo taliye cusub u magacaabay saldhigga booliska jowhar